Maamulka degmada Ceelbarde oo deeq raashin ah u qeybiyay qaar kamid ah barakacayaasha degmadaas.

0
77

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Maamulka degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ayaa maanta deeq raashin ah u qeybiyay qaar kamid ah barakacayaasha ku sugan gudaha degmada, kuwaas oo wajahaya xaalado adag oo la xiriira biyo la’aan iyo cunno yari.
Deeqdan, oo ka koobnayd raashin kala duwan sida bur, bariis, sonkor iyo saliid, ayaa loogu talagalay qoysaska ugu nugul ee barakacay sababo la xiriira abaaraha iyo dagaallada ka taagan deegaannada qaar ee gobolka.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here