Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Kooxda Liverpool ayaa si xoogan uga fiirsanaysa inay lacag badan ku dhaqaaqdo xiddiga kooxda Newcastle ee Alexander Isak, iyaga oo wadahadalo la furay wakiilada xiddiga.
Isak, oo ah mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican Premier League, ayaa dhaliyay 58 gool 100 kulan oo uu u ciyaaray kooxda Newcastle. Xiddiga reer Sweden ayaa sidoo kale dhaliyay gool muhiim ah kulankii ay Liverpool 2-1 kaga badiyeen final-kii Carabao Cup-ka.
Isak ayaa lala xidhiidhinayaa kooxo badan oo ay ka mid yihiin PSG, Arsenal, iyo kooxo kale oo awood badan. Si kastaba ha ahaatee, hogaamiyayaasha Liverpool ayaa talaabo u qaaday saxiixa xiddiga, iyaga oo xiriir la sameeyay wakiilada Isak si ay u xaqiijiyaan suurtogalnimada saxiixiisa.