Gudiga gurmadka abaaraha degmada Cadaado oo 40 qoys gaarsiiye raashin.

0
79

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Gudiga Gurmadka Abaaraha ee degmada Cadaado ayaa si firfircoon uga qayb qaadanaya caawinta qoysaska ku dhibaataysan abaaraha. Gudigu waxa uu 40 qoys gaarsiiyeen raashin isugu jira bur, bariis, sonkor, iyo saliid, taasoo ah gargaarka ugu horreeya ee loogu talagalay dadka la ildaran abaaraha ka jira deegaankaas.

Raashinkan ayaa ka caawinaya dadka inay ka badbaadaan gaajada iyo dhibaatooyinka ka dhasha yaraanta cunto. Sida laga soo xigtay gudiga, gurmadka abaaraha ayaa qorshayaya sidii ay u sii wadi lahaayeen gurmadka si loo daboosho baahiyaha haysta dadka ku sugan deegaanno kale ee ay abaaruhu saameeyeen.

Warkan waxaa faah faahinaya: Liban Mohamed Abdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here