Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Guddiga gurmadka abaaraha ee gobolka Mudug ayaa si rasmi ah u bilaabay biyo dhaamin ay ka samayn doonaan qaybo kamid ah gobolka, si wax looga qabto baahida biyo la’aanta ee ka dhalatay abaarta ka jirta deegaannadaas.
Biyo dhaamintan oo la filayo in ay gaarto dhawr degmo iyo tuulooyin ay abaartu saameysay, ayaa qayb ka ah dadaallada lagu badbaadinayo dadka iyo duunyada ay saameeyeen xaaladaha adag ee ka dhashay roob yaraanta.
wARKAN WAXAA FAAH FAAHINAYA: Abdulahi Abdulkadir Nor