Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Gudoomiyaha Midowga Afrika Mudane Mahamoud Ali Youssouf, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Muqdisho, isagoo ku dhawaaqay in ururka Midowga Afrika uu diyaar u yahay inuu gacan ka siiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya arrimaha dib-u-dhiska, nabadeynta, iyo taageerada guud ee dalka.
Intii uu ku sugnaa Muqdisho, Youssouf wuxuu kulamo la yeeshay madaxda Soomaalida, oo ay ka mid yihiin Madaxweyne Xasan Sheikh Mohamud, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda.
Ujeeddada booqashadan ayaa ah in Midowga Afrika uu sii xoojiyo taageerada uu u fidinayo Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, iyo xoojinta hay’adaha dowladda.
Warkan waxaa soo jeedinaya:Ahmed Mohamed Jamac