Tartanka Qur’aanka Kariimka oo lagu soo xiray Magaalada Muqdisho

0
80

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐦𝐢𝐢𝐫 ayaa soo xiray Tartanka Quraan Aqriska Bisha Ramadaan ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Tartankaan oo sanad weliba bisha barakeysan ee Ramadaan la qabto ayaa waxaa ka qeyb-galay ardey ka kala socotay Dugsiyadda Quraanka Kariimka ee Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed, Agaasimeyaal, Guddoomiye Kuxigeenada Arrimaha Bulshada Degmooyinka Gobolka Banaadir, Culuma’udiin, Maclimiimta Dugsiyadda, Waalidiin iyo marti sharaf kale.

Warkan waxaa soo jeedinaysa: Hamdi Diirie

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here