Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Ardayda Carruurta Agoonta ee wax ku dhigata Madarasada Shaafici ee Degmada Ceelbarde ayaa deeq lacageed la guddoonsiiyay, kuwaas oo iskugu jira wiilal iyo gabdho. Deeqdan lacageed waxaa soo sadaqeystay walaalo muxsiniin ah, waxaana bixiyay Sheekh Maxamuud, oo ahaa wakiilka deeqda.
Carruurtan agoonta ah ayaa wax ku barata Madarasada Shaafici, islamarkaana ah kuwa u baahan in la garab istaago si ay u sii wataan waxbarashadooda. Waxay inta badan taageero ka helaan dad Muxsiniin ah oo ku kala nool dalka iyo dibadiisa.
Warkan waxaa faah faahineysa:Hamdi Diriye Ali