Man City Oo Baanka U Jabinaysa Xiddig U Ciyaara Arsenal.

0
31

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Manchester City ayaa qorsheynaysa inay dalab ka gudbiso daafaca Arsenal ee William Saliba suuqa kala iibsiga ee xaggaaga, iyadoo warbixin lagu sheegay sababta ay Citizens u doonayso inay si degdeg ah ugu dhaqaaqdo xiddiga Gunners.

Saliba ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican uguna muhiimsan Arsenal. Inkasta oo uu da’diisu tahay 24 jir hadana daafaca dhexe ee xulka qaranka France ayaa 122 kulan u ciyaaray kooxda ka dhisan waqooyiga London isaga oo u dhaliyay 7 gool isla markaana caawiye ka ahaa 2 gool kale.

Weeraryahankii hore ee Aston Villa Gabriel Agbonlahor ayaa ku tilmaamay Saliba inuu yahay ciyaaryahanka kaliya ee heer caalami ah ee Arsenal intii lagu jiray dood ku saabsan talkSPORT bishii April 2024.

Arrinta xiisaha leh ayaa ah in Agbonahor uu sidoo kale Saliba u saadaaliyay in uu isha ku hayo Real Madrid, iyadoo ay taasi jirto, Man City ayaa hadda la sheegay inay ku biirtay tartanka loogu jiro xiddiga Arsenal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here