Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa saxiixay qorshaha madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ee uu ku doonayo in Turkigu uu xarun u noqdo gaasta dabiiciga ah ee Ruushka. Erdogan ayaa sheegay in Turkigu uu sugayey fursaddan muhiimka ah, isagoo sheegay inuu ogolaaday qorshaha Putin.“Wadamada Yurub waxay hadda raadinayaan meel ay ka helaan sahayda gaaska dabiiciga ah,” ayuu yidhi madaxweyne Erdogan, “Ilaah mahadii Turkiga kama jirto dhibatadaas oo kale. Waxaan rajeyneynaa, inaan dhowaan noqon doono xarun gaaska dabiiciga ah qaybisa.”Toddobaadkii hore madaxweyne Putin ayaa sheegay in gaasta dabiiciga ah loo wareejin doono dalka Turkiga lagana bedeli doono dhuumaha shidaalka ee Nord Stream ee dhex mara biyaha badda Baltic ee u dhaxaysa dalalka Yurub iyo Ruushka, kuwaas oo dhowaan ay waxyeelleeyeen qaraxyo loo geystay.Ruushka ayaa hore gaasta u siin jiray dalka Turkiga, isaga oo u soo marin jiray dhuumaha shidaalka ee lagu magcaabo TurkSteam, kuwaas oo hoos mara biyaha badda Madow. Laakiin Kremlin ayaa qiratay in dhuumahaas shidaalku aanay lahayn awood ay ku qaadaan gaasta dheeriga ah.