Shir looga hadlayay gurmadka dadku Abaarahu sameyeen oo ka dhacay Cadaado

0
68

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Maamulka Degmada Cadaado oo uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka degmada, Cabdixakiin Maxamed Cali (Shilin), iyo Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa kala wareegay deeq raashin iyo biyo ah oo ay soo dhiibeen Jamciyadda Al-Furqaan.
Deeqdan ayaa isugu jirta raashin loogu talagalay 150 qoys iyo 20 booyadood oo biyo dhaamin ah.
Maamulka degmada Cadaado iyo Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa uga mahadceliyay Jamciyadda Al-Furqaan kaalinta ay ka qaadanayso taageerada bulshada ay abaartu saameysay iyo dadka danyarta ah.

Waxaa soo jeedineya:Abdullahi Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here