Shaxda Ugu Fiican Todobaadka Premier League Oo La Soo Saaray.

0
28

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Waxa bartamihii todobaadka la ciyaaray kulamo xiiso leh premier League iyada oo kooxo badan gaadheen ujeedkoodii.

Kooxaha isku baacsanaya tartanka Premier League ee Liverpool Iyo Arsenal ayaa isugu jawaabay guulo kulamadii ay ciyaareen.

Kooxda Man City ayaa dhinacooda gaadhay guul muhiim ah tartanka ay ugu jirto u soo bixista champions League.

Dhinaca kale Chelsea ayaa garaacday Tottenham iyaga oo sii wada u dagaalankooda boosaska champions League.

Sidoo kale Man United ayaa sii wada natiijo xumadii iyaga oo guuldaro kala kulmay kooxda Nottingham Forest.

Kadib kulamadii la ciyaaray waxa la soo saaray shaxda ugu fiican todobaadka Premier League.

Kooxda Nottingham Forest oo garaacday Man United ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 4 xiddig.

Kooxda Aston Villa aya dhinaceeda shaxda ku leh 2 xiddig kadib markii ay ka badiyeen kooxda Brighton.

Kooxaha Liverpool, Newcastle, Chelsea, Ipswich Iyo Man City ayaa shaxda ku leh min hal xiddig.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here