Galmudug oo ku dhawaaqday maalin salaad roob doona laga tukanaayo deganada maamulkaas

0
84

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowladda Galmudug ayaa ku dhawaaqday in maalinta Isniinta ah, guud ahaan deegaanada Galmudug laga tukan doono Salaad roob-doon ah, taasoo si wadajir ah loogu baryayo Alle (SW) inuu u sahlo raxmadiisa, uguna deeqo roobkii barako lahaa.
Wasaaradda ayaa sheegtay in abaarta iyo biyo yaraanta baahsan ee ka jirta qeybo ka mid ah Galmudug ay tahay sababta ugu weyn ee keentay baaqan, iyadoo shacabka iyo culimada lagu dhiirrigeliyay in si iimaani ah loogu soo baxo Salaadda roob-doonka.

Warkan waxaa faah faahianya: Abdulahi Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here