Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Iyadoo ay ka jirto xaalad abaar ah oo saameysay qaybo ka mid ah deegaannada Galmudug, ayaa maamulka degmada Cadaado, oo uu hormuud u yahay Guddoomiye ku-xigeenka degmada Mudane Cabdixakiin Maxamed Cali (Shilin), ayaa ka qayb galay salaadda roob-doonta oo si ballaaran looga oogay magaalada Cadaado.
Munaasabaddan cibaadadeed ee lagu baryayay Alle (SWT) in uu keeno roob khayr leh, ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay Wasiirka Owqaafta iyo Arrimaha Diinta Galmudug Mudane Xasan Cabdulkaadir Xuseen, culimada deegaanka, qeybaha kala duwan ee bulshada, iyo xubno ka tirsan maamulka degmada.
Waxaa soo jeedinaya Abdulahi Abdulkadir Nor