Guddiga gurmadka abaaraha degmada Hobyo oo kormeer ku tagay deegaannada sida daran abaartu u saameysay.

0
75

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddiga gurmadka abaaraha ee degmada Hobyo ayaa si toos ah ugu kormeeray deegaannada uu abaaruhu si xun ugu saameeyay. Ujeedada kormeerkan waxay ahayd in la ogaado baahida degdegga ah ee ka jirta deegaannadaas iyo sidii loo siin lahaa gargaar ku habboon dadka ay abaaruhu saameeyeen. Guddigu waxa ay sidoo kale ka warbixiyeen xaaladaha cunto-yaraanta, biyo la’aanta, iyo baahiyaha kale ee aasaasiga ah ee dadka deegaanka.

Warkaan waxaa soo jeedinaya:Liban Mohamed Abdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here