Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Roobab xooggan oo dhawaan ka da’ay magaalada Dhuusamareeb ayaa sababay in biyo fariistaan meelo badan oo magaalada ah. Inkasta oo aanay jirin qasaaro ka dhashay, haddana waxaa laga digay dhibaatooyin caafimaad oo ka dhalan kara biyaha taagan.
Biyaha roobka ayaa ku uruuray waddooyin iyo xaafado, taas oo khatar ku ah caafimaadka dadka, gaar ahaan carruurta iyo dadka da’da ah. Waxaa laga cabsi qabaa in biyahaasi ay keeni karaan cudurro sida shuban, duumo iyo jeermis kale oo caafimaadka waxyeeleeya.
Warkan waxaa soo jeedinaysa: Hamdi Dirie Ali