Hordhac: Chelsea Vs Man United

0
32

Chelsea ayaa kulan adag waxa ay ku marti gilineysaa United , waxa uuna imaanaya xilli labada dhinac ay ku jiraan bandhig wacan

Xogta Kulanka

*Chelsea ayaan wax guul ah gaarin sagaal kulan oo Premier League ah oo ay la ciyaartay Manchester United, lix barbaro iyo saddex guuldarro.

*Red Devils lagama badin lix kulan oo ay martida u ahaayeen Chelsea tartamada oo dhan (3 guul, iyo 3 barbaro).

*Ma jiro kulan Premier League ah oo soo saaray bar-baro ka badan 25-kii kulan ee dhex maray kooxaha Chelsea iyo Manchester United.

*Chelsea ayaan wax guuldaro ah la kulmin todobadii kulan ee ay ciyaartay tan iyo markii uu Graham Potter la wareegay shaqada isaga oo badiyay shan kulan.

*Blues ayaa sidoo kale laga badin 8-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku ciyaartay garoonkeeda,waxa ayn badisay seddex kulan oo xiriir ah garoonka Stamford Bridge.

*Cesar Azpilicueta ayaa barbareyn kara Petr Cech 333 kulan oo Premier League ah oo uu u saftay Chelsea.

*Manchester United ayaa badisay seddex ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeysay Premier League ee ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda, halka kulanka kalena laga badiyay.

*Marcus Rashford ayaa 5 gool iyo laba caawin ka sameeyay Chelsea tartamada oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here