Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada dowladda Galmudug ayaa magaaladda Dhuusamareeb ku qabatay dood-wadaag muhiim ah oo looga hadlayey ahmiyadda tallaalka Oof-wareenka iyo sidii bulshada faham looga siin lahaa.Waxana dood-wadaag ka soo qeebgalay wasiir kuxigeenka wasaradda Caafimaadka Dowladda galmudug, madaxa tallaalka wasaradda caafimaadka, agaasimayaal iyo qaar ka mid ah Xirfadlayasha caafimaadka ee ka howlgala xarumaha caafimaadka magalaada dhuusamreeb ee casimada galmudug.
Warkaan waxaa soo jeedinaysa: Sacdia Abdulqaadir Yusuf