Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Waxaa si rasmi ah xarigga looga jaray saldhig cusub ee boolis ah oo laga hirgeliyey degmada Wisil ee gobolka Mudug. Dhismahan ayaa ah mid casri ah, waxaana lagu dhisay iskaashi u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Galmudug, iyadoo ay maalgelisay Midowga Yurub.
Saldhiggan ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo amniga deegaanka iyo in lagu hormariyo adeegyada bulshada. Munaasabadda xarig-jarka waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, sida Guddoomiye ku-xigeenka degmada Wisil Cabdigaraad Cumar iyo Taliyaha Saldhigga Barre Abshir Guuleed. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in saldhiggu uu muhiim u yahay nabadgelyada degmada.
Warkan waxaa soo jeedinayaa: Liban Mohamed Abdi