Howl-wadeennada hay’adda Maaraynta musiibooyinka oo tababbar loogu soo xiray Muqdisho

0
33
Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Dr. Axmed Cabdi Aadan ayaa soo xiray tababar socday muddo shan cisho ah oo lagu kobcinayo aqoonta Hawl-wadeennada kala duwan ee hay’adda SoDMA kaas oo diiradda lagu saaray yaraynta khataraha musiibooyinka (DRR), la qabsiga isbeddelka cimilada, iyo dhisidda adkeysiga bulshooyinka Soomaaliyeed.
Tababarkaan waxaa goob joog ka ahaa agaasimaha Xarunta Cilmi-baarista Musiibooyinka iyo tababarada ee SoDMA, Madax ka tirsan hay’adda SoDMA iyo madax ka socotay Hay’adda caalamiga ah ee PLAN International.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdidahir Garad Ali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here