Salah Oo Qarka U Saaran Rikoodh Taariikhi Ah.

0
12

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Xiddiga Liverpool Mohamed Salah ayaa fursad u heli doona inuu dhigo rikoor u gaar ah Premier League kulanka Axada ee Premier League ee ay marti ku yihiin Leicester City.

Kadib guuldaradii lama filaanka ahayd ee ay kala kulmeen kooxda Fulham, Liverpool ayaa ku soo laabatay wadada guusha kulan ay axadii hore gurigooda kula ciyaareen kooxda West Ham United.

Goolal y dhaliyeen Diaz Iyo Van Dijk ayaa Liverpool ka caawiyay in ay ku sii dhawaato ku guulaysiga horyaalkii 20-aad.

Xaqiiqdii, Liverpool ayaa laga yaabaa inay ku guuleysato horyaalka isbuucaan haddii ay garaacdo Leicester, Arsenal-na guuldaro kala kulanto kooxda Ipswich Town.

Inkastoo Salah diirada saari doono ku guulaysiga premier League waxa uu fursad u heli doonaa inuu rikoor cusub ka dhigo Premier League garoonka King Power Stadium.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Masar ayaa noqon kara ciyaaryahankii ugu horeeyay taariikhda Premier League ee gool ka dhaliya dhamaan lixdii kulan ee uu ka horyimid kooxaha u soo dalaca premier League xilli ciyaareed kaliya.

Salah ayaa taariikhda qarka u saaran ka dib markii uu gool dhaliyay mid kasta oo ka mid ah shantii kulan ee hore ee ay Liverpool la ciyaartay saddexda kooxood ee soo dalacday xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here