Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Hirshabelle Mudane Maxamed Bashiir Qaasim Daqare oo ay Wehlinayaan Qaar ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Beeraha ayaa tuulada beeraha Sheekh Ooyaaye ka daahfurtay mashruuca Waraabka soolarka cadceeda.
Mashruucan ayaa loogu talagalay in sare loogu qaado wax soosaarka beeraha gobolka Shabellaha Dhexe, laguna dhiiri galiyo beeraleyda.
Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi