Maamulka degmada Dayniile oo ku baaqay in loo soo gurmado qoysaska danta yar ee ku nool degmadaas.

0
17

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Maamulka degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa ku baaqay in loo soo gurmado qoysaska danta yar ee ku nool degmada, maadaama la gelayo xilli roobaad.
Qoysaskan ayaa wajahaya xaalad adag oo ay ugu wacan tahay abaarta daran ee dalka ka jirta, taasoo keentay in dad badan ay barakacaan.
Dayniile ayaa ah mid ka mid ah meelaha ugu badan ee lagu soo barakacay ee magaalada Muqdisho.
Dad badan oo ka soo barakacay gobollada kale ayaa ku nool xerooyinka ku yaal degmada Dayniile, iyagoo wajahaya xaalad nololeed oo adag.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdulahi Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here