Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ka furtay shir wadatashi qaran oo lagu qiimeynayo xaaladda waxbarashada dalka.
Shirkan oo socon doona muddo labo maalmood ah, waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedyada, waxaana lagu soo bandhigay warbixino ku saabsan nidaamka imtixaanka iyo horumarka laga gaaray waxbarashada.
warkaan waxaa soo jeedinaysa: Xamdi Diriye Ali