Ra’iisul Wasaaraha XFS oo maanta furay shirwayne dib loogu hagaajinayo shaqaalaha Dowladda

0
19

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo daahfuray Hirgelinta Siyaasadda Qaran ee Darajooyinka iyo Mushaaraadka Shaqaalaha Rayidka ah, ayaa sheegay in siyaasaddani tahay mid xoojinaysa cududdada shaqaalaha Soomaaliyeed.
Mudane Xamsa, ayaa xusay in siyaasaddani ay beddeli doonto nidaamkii hore ee muddo dheer lagu maamulayey shaqaalaha dowladda, isla markaana ay horumarin doonto shaqo-gudashada, caddaaladda iyo kor-u-qaadista kartida Shaqaalaha Rayidka ah.

Warkaan waxaa soo jeedinaya: Abdidahir Garad Ali 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here