Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiirka Waxbarashada dowladda Galmudug Mohamed Hashi Dhoore ayaa sheegay in waxbarashadu ay door muhiim ah ka ciyaarto u-adkeysiga abaaraha iyo musiibooyinka dabiiciga ah. Wasiirku wuxuu xusay in aqoonta iyo wacyigelinta ay kordhiyaan fahamka bulshada ee la tacaalidda xaaladaha adag, taasoo gacan ka geysan karta badbaadada iyo maaraynta khatarta.
warkaan waxaa soo jeedinaya: Abdullahi Abdulkadir Nor