Masuuliyiin katirsan Galmudug oo dhagax-dhigay ceel-biyood laga hirgalinayo deegaanka Deeqla gobolka Galguduud.

0
24

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Dowlad-goboleedka Galmudug, mudane cabdulqaadir shire galbayte ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay mashruuc ceel-biyood riig ah oo laga hirgelinayo deegaanka Deeqla ee gobolka Galguduud. Ceelkan ayaa ah mid muhiim ah oo loogu talagalay in lagu xalliyo baahida biyaha ee ka jirta deegaankaas.

Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug, saraakiil heer gobol iyo heer degmo ah, odayaal dhaqameed, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka. Dadweynaha deegaanka ayaa si weyn u soo dhaweeyay mashruucan, iyagoo muujiyay rajo weyn oo ay ka qabaan inuu wax ka beddelo xaaladooda nololeed, gaar ahaan helitaanka biyo nadiif ah.

warkaan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here