Wasiirka Beeraha XFS Oo kulan la qaatay iskaashada beeralayda Dhuusamareeb

0
23

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamad Cabdi Xayir Mareye ayaa kulan la qaatey iskaashada beeraha ee magaalada Dhuusamareeb ee casimada galmudug .kulanka ayaa wax goob joog aha Masuuliyiin ka tirsan wasaaradaha XFS, Wakiillo ka kala socday hay’adaha FAO, WFP , iskaashatooyinka beeraleyda Galmudug, iyo xubno ka tirsan ururrada bulshada rayidka ah.

Wasiirka Wasaradda Beeraha iyo waraabka XFS yaa carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay iskaashi joogto ah oo u dhexeeya dowladda federaalka, dowlad goboleedyada, hay’adaha caalamiga ah iyo beeraleyda si loo gaaro hormar la taaban karo oo dhanka wax soo saarka .

Warkaan waxaa soo jeedineysa: Sacdia Abdulqaadir Yusuf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here