Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay Wasaaradda Beeraha ee Galmudug cagaf-cagafyo (mashiinnada qoda ama diyaariya dhulka) kuwaas oo loogu talagalay in lagu xoojiyo wax soo saarka beeraha ee deegaannada Galmudug.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku taageerayso horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, gaar ahaan dhanka wax-soo-saarka beeraha si loo gaaro isku filnaansho dhinaca cunnada ah. Mashaariicda noocan oo kale ah waxay sare u qaadaan fursadaha shaqo abuurka, xasilinta nolosha beeraleyda, iyo kobcinta dhaqaalaha deegaanka.
Warkaan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi