Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Galmudug, mudane Cali Maxamuud Farax (Ali Zeeko), ayaa magaalada Gaalkacyo tababar ugu soo xiray in ka badan 40 qof oo isugu jira wariyeyaal iyo dhallinyaro wax ka barata jaamacadaha magaalada.
Tababarkan oo ku saabsanaa xirfadda muuqaal-samaynta ayaa maalmihii lasoo dhaafay u socday xubno ka tirsan warbaahinta iyo dhallinyarada Gaalkacyo.
Warkan waxaa soo jeedineysa:Hamdi Diriye Ali