Shir Looga Hadlay Horumarinta Adeegga Biyaha Oo ka dhacay Baydhabo.

0
4

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo kaashaneysa UNICEF iyo Sanduuqa Gurmadka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay (CERF), ayaa magaalada Baydhabo ka daah furtay tababar ku saabsan dhisidda iyo tababarka Ururada/bulshooyinka isticmaala biyaha

Tababarkan oo soconaya muddo afar maalmood ah, ayaa Ujeedada tababarka ah in la hirgeliyo hanaanka iskaashi ee dowlad iyo ganacsato si loo horumariyo maamulka iyo adeegyada biyaha ee degmooyinka Dinsor, Qansaxdheere, Xudur, iyo Baydhabo.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdifitah Mohamed Ahmed 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here