Dhuusamareeb(Idaacadda Daar-Dheer)Deganka Bilcile Hagoogan oo kamida deganada hoos taga magaalada Dhuusamareeeb ayaa waxa howlo shaqo kutagay degankasi Madax iskugu jira wasiiro, maamulka gobolka Galgaduud, iyo madaxda mamaulka Degmada Dhuusamareeb waxaana deganka ay kusodhaweyey qeybaha bulshada
Gudoomiyaha magaalada DHuusamareb ahan duqa caasimada Galmudug Abdirihman Cali Maxamed “geedaqorow” ayaa bulashada bilcile hagogan usheegay inay codsigooda aqbalayaan waxna kaqabanayaan adegyada hormarinta bulshada ee ay ubaahnyihiin, iyagana laga rabo ilaalinta dhirta deegaanka
Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud Cilmi Cali Cabdi oo kamid masuuliyiintii tagay deegaanka ayaa u balan qaday in ay kajawabayan bahiyaha haysta dadka deegaanka.
wasiirk wasarada waxbarashada,hidaha iyo tacliinta sare ee dowlad goboleedka Galmudug Mohamed Xashi dhore ayaa dadka deegaanka u balan qaday in wasaradu ay kudadaleyso goobo helida goobo waxbarasho oo sibilasha oo ay carruurtu wax kubartaan.
Waxaa warbixintaan inoo soo jeedinaya Abdullahi Abdulkadir Nuur.