Madaxa xafiiska Qarammada Midoobay Soomaaliya oo maanta safar shaqo ku yimid Dhuusamareeb.

0
27

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa qasriga madaxtootayada ku qaabilay madaxa xafiiska Qarammada Midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo howlo shaqo u yimid Galmudug.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka uu marayo, shirarka la filayo iney dhacaan ee arrimaha dalka looga arrinsanyo , amniga iyo howlaha ay hay’adaha qarramada Midoobe ka wadaan deegaannada Galmudug.
Kulanka ayaa waxaa sidoo kale diiradda lagu saaray arrimaha bini’aaddnimada iyo mashaariicda horumarineed ee kaabayasha dhaqaale sida waddooyinka & Airport ka caasimadda.

Warkaan waxaa soo jeedinaya:  Abdidahir Garad Ali

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here