Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Hay’adda Adeegyada Bani’aadanimada ee Ileys ayaa degmada Guriceel ka daah furtay tababar muhiim ah oo ku saabsan kor u qaadista fahamka xadgudubyada ku saleysan jinsiga (Gender-Based Violence – GBV). Tababarkan ayaa loogu talagalay in lagu wacyigeliyo laguna xoojiyo aqoonta bulshada iyo shaqaalaha deegaanka ee la xiriira sida loo aqoonsado, looga hortago, iyo loo maareeyo xadgudubyada noocan ah.
Ujeedada ugu weyn ee tababarka ayaa ah in la dhiso bulsho u nugul cadaalad jinsiyadeed oo ay ka jirto faham buuxa oo ku saabsan xuquuqda aadanaha iyo ilaalinta dadka nugul, gaar ahaan haweenka iyo carruurta. Waxa kale oo uu tababarku ka qayb qaadanayaa kobcinta doorka haweenka iyo kor u qaadista badbaadada guud ee bulshada.
Warkaan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi