Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Galmudug oo Tababar Xirfadeed u Soo Xiray 80 Ka Qof oo Dhalinyaro iyo Haween ah
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Galmudug, Mudane Shariif Cabdinur Barre, ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah ugu soo xiray tababar socday muddo bil ah, kaasoo ay ka faa’iideysteen 80 xubnood oo isugu jira dhallinyaro iyo haween. Tababarkan ayaa diiradda saaray xirfadda isticmaalka soolarka ku shaqeeya tamarta qoraxda.
Warkaan waxaa soo jeedinaya:Liban Mohamed Abdi