Ciidanka ilaalada xeebaha gobolka Mudug oo ka digay Kalluumeysiga sharci darrada ah.

0
5

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Taliyaha ciidammada madaniga ah ee ilaalada xeebaha gobolka Mudug, gaar ahaan kuwa ka howlgala xeebaha degmada Afbarwaaqo, ayaa maanta ka warbixiyay howlgallo ballaaran oo ay ka sameeyeen xeebaha gobolka, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday kalluumaysatada si sharci darro ah uga kalluumaysanayay badda gobolka.

Taliyaha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo ilaalinta kheyraadka badda iyo suurtagalnimada dhaqaale u helidda bulshada deegaanka. Waxa uu xusay in ay gacanta ku dhigeen dhowr doonyood oo si aan sharci ahayn uga kalluumaysanayay xeebaha gobolka Mudug.

Abdidaahir Garaad Ali ayaa warkan soo jeedinaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here