Ciidanka Nabad ilaalinta Galbeedka Mudug oo lagu wareejiyay goobihii lagu dagaallamay.

0
12

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Guddiga nabadaynta Galbeedka gobolka Mudug oo isugu jira waxgarad iyo culimo kasoo kala jeeda Galmudug iyo Puntland ayaa ciidammada isku dhafka ah ee loo xilsaaray inay kala dhexgalaan beelaha ku dagaallamay Galbeedka gobolka Mudug waxaa ay ku wareejiyeen goobihii lagu dagaalay.

Waxgaradka iyo culimada ayaa munaasabad kooban waxay kula dardaarmeen ciidanka goobaha lagu wareejiyay oo isugu jira Puntland iyo Galmudug.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Abdidahir Garad Ali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here