Guddoomiye Yabooh oo kormeer Degmooyinka ay ka socdaan Isdiiwaangelinta dadweynaha

0
6

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa kormeer ku tagay Degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa oo ay ka socdaan Isdiiwaangelinta codbixiyeyaasha dadweynaha ee ku saleysan doorashooyinka dalka ee qof iyo cod.

Guddoomiye Yabooh ayaa boogaadiyay sida bulshada ugu qeyb qaadanayaan isdiiwaangelinta Codbixiyeyaasha si ay u helaan shahaadada codbixinta, taasi oo muujineysa buu yiri rabitaankooda ku aadan in ay codkooda ku ciil baxaan oo ay xuquuqdooda helaan.

Warkaan waxaa soo jeedineya: Abdifitah Mohamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here