Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Gaalkacyo ku soo xirtay tababar ku saabsan xakameynta wararka been abuurka.

0
8

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Maamulka Galmudug ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ku soo gabagabeysay tababar socday muddo dhowr maalmood ah, kaasoo lagu baranayey hababka loo xakameeyo wararka been abuurka ah ee si xawli ah ugu faafa baraha bulshada.

Ujeedada tababarka ayaa ahayd sidii loo xoojin lahaa wacyiga bulshada ee ku aaddan halista wararka been abuurka ah, loona kobcin lahaa awoodda hay’adaha deegaanka ay u leeyihiin in ay si degdeg ah uga jawaabaan una xakameeyaan marin habaabinta wararka.

Warkaan waxaa soo jeedineya: Abdulahi Abdulqadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here