Guddiga nabadaynta Galbeedka Mudug oo lagu soo dhoweeyay Bandiiradley

0
7

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Xubnaha guddiga u xilsaaran ka shaqaynta nabadda galbeedka gobolka Mudug oo isugu jira culimo iyo qaar kamid ah odoyaasha dhaqanka ayaa gaaray degmada Bandiiradleey halkaas oo ay kulan kula yeesheen waxgaradka iyo maamulka Degmada.

Nabaddoonnada iyo akhyaarta kale ee guddigan ayaa goob fagaaro ah kula hadlay reer Bandiiradleey waxayna la wadaageen farriinta nabadda ee lagu joojinayo dagaal beeleedka kusoo noqnoqday Galbeedka Mudug.

Warkaan waxaa soo jeedinaya:Abdidaahir Garaad Ali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here