Mashruuc loogu talagay hormarinta danyarta oo laga dahfuray Kismayo.

0
13

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Waxaa magaalada Kismaayo, xarunta gobolka Jubbada Hoose, lagu qabtay kulan rasmi ah oo lagu daahfurayay mashruuca isku dhafka ah ee gargaarka iyo nafaqeynta bulshada danyarta ah ee ku nool degmooyinka iyo deegaanada kala duwan ee Jubbaland.

Mashruucan ayaa ah mid lagu doonayo in lagu mideeyo adeegyada gargaarka iyo kuwa nafaqeynta si loo helo xal waara oo wax looga qabanayo baahiyaha aas-aasiga ah ee ay qabaan bulshada nugul.

Waxa uu mashruucu si gaar ah diiradda u saarayaa daryeelka caafimaadka, helidda cunto nafaqo leh, iyo kor u qaadidda adeegyada muhiimka ah ee ay u baahan yihiin dadka ku nool meelaha ay xaaladdu adag tahay.

Warkaan waxaa soo jeedineya:Sacdia Abdulqadir Yusuf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here