Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee dowladda Galmudug, Mudane Cali Maxamuud Faarax, ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb kusoo xiray si tababar loogu talagalay xirfadlayaasha warbaahinta ee caasimadda iyo xubno ka socday bulshada,
Tababarkan oo socday muddo labo maalin ah ayaa diiradda lagu saarayaa sida saxafiyiintu u tabin karaan xaaladaha nafaqo-darrada iyo wacyigelinta bulshada. Wariyaasha ayaa lagu barayaa hababka ugu waxtarka badan ee fariimaha caafimaadka iyo nafaqada loo gaarsiin karo bulshada iyada oo loo marayo warbaahinta.
Warkaan waxaa soo jeedineya: Hamdi Dirie Ali