Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Dulaaliinta Suuqa Xoolaha ee magaalada Dhuusamareeb ayaa si weyn uga cabanaya xaaladda adag ee uu wajahayo suuqa, kaddib markii uu biyo xireen suuqa taasoo sababtay in xoolaha lagu iibiyo xaafado dhexdeed. Tani waxay abuurtay carqalado nololeed, caafimaad iyo mid bulsho.
Suuqa xoolaha oo muddo ka hor ahaa meel muhiim u ah dhaqaalaha magaalada ayaa haatan noqday mid aan adeegsan karin, iyadoo aysan jirin goob kale oo suuq rasmi ah oo beddel u ah. Dulaaliintu waxay sheegeen in xaaladdan ay saameyn ku yeelatay ganacsigooda iyo dakhligii ay ka heli jireen xoolaha.
Liban Mohamed Abdi ayaa warkan soo jeedinaya.