Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka Galmudug iyo ganacsatada degmada Caabudwaaq ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay mashruuca dhismaha waddada isku xirta Galdogob iyo Caabudwaaq, oo dhererkeedu gaarayo 140km.
Munaasabadda dhagax-dhigga oo ka dhacday degmada Dhabad ayaa waxaa ka qeyb galay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Galmudug, guddoomiyeyaasha degmooyinka, ganacsato, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.
Warkan waxaa soo jeedineysa: Xamdi Diiriye Cali