Xarun lagu iibiyo kalluunka oo Dhuusamareeblaga furay

0
50

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Shirkadda East African Fish ayaa xarun cusub ka furtay magaalada Dhuusamareeb, taasoo bulshada u sahlaysa adeegyo ay kamid yihiin qaboojinta, keydinta, iyo qaybinta kalluunka.

Xaruntan cusub ayaa lagu wadaa in ay kor u qaaddo fursadaha shaqo, horumariso suuqyada kalluunka ee gobolka, isla markaana bulshada u dhow ay ka heli doonaan kalluun tayo sare leh, si joogto ahna loo heli karo.

Masuuliyiinta shirkadda ayaa sheegay in mashruucani uu qeyb ka yahay dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha deegaanka, loogana golleeyahay kor u qaadidda helitaanka cunto nafaqo leh oo caafimaad leh.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here