Wasiirka Warfaafinta oo ka qeybgaley Shirweynaha Wasiirrada Dhaqanka ee Waddamada Islaamka.

0
43

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka, iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa ka qayb galay Shirkii Wasiirrada Dhaqanka ee Dunida Islaamka iyo Ruushka ee ka dhacay magaalada Kazan, ee Jamhuuriyadda Tatarstan ee Ruushka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray muhiimada ay leedahay in la dhiirrigeliyo wadahadalka, iskaashiga, iyo horumar waara oo loo marayo is-dhexgalka iyo diblomaasiyadda dhaqanka.

asiir Daud Aweis ayaa sheegay in mar walba ay kordheyso baahida loo qabo isku xirka dunida iyo iskaashiga caalamiga, isla markaana dhaqanku uu yahay buundo muhiim ah oo isku xiraya dadka, dhiirrigelinayana fahamka guud, gacanna ka geysta nabadda caalamka.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here