Maamulka degmada Gaalkacyo oo olole nadaafadeed kabilaabay magaaladaas

0
39

Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Duqa Degmada Gaalkacyo, Mudane Cabdirahmaan Sheekh Xasan, ayaa hormuud u ah olole ballaaran oo lagu dardargelinayo nadaafadda iyo ilaalinta bilicda magaalada.

Ololahan oo ka socda qaybo badan oo ka mid ah magaalada, ayaa ujeeddadiisu tahay in laga hortago wax kasta oo wax u dhimaya nadaafada magaaladaas iyo quruxda deegaanka.

Mudane Cabdirahmaan Sheekh Xasan ayaa sheegay in maamulka degmada uu si dhab ah ugu heelan yahay horumarinta nadaafadda iyo ilaalinta deegaanka.

Warkan waxaa soo jeedinaya: Liban Mohamed Abdi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here