Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Ugu yaraan 100 qof oo isugu jira rag, dumar iyo caruur ayaa ka faa’iideystay adeegyo caafimaad oo bilaash ah oo ay ka mid yihiin indha fiiqis, qalliimo fudud iyo daaweyn caafimaad, kuwaas oo muddo labo maalmood ah ka socday Isbitaalka Daacad ee magaalada Gaalkacyo.
Barnaamijkan caafimaad ayaa si gaar ah diiradda u saaray dadka danyarta ah ee aan awoodin inay helaan adeegyo caafimaad oo joogto ah.
Warkan waxaa soo jeedineysa:Hamdi Diriye Ali