Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Frimpong ayaa saxiixay heshiis shan sano ah oo uu ugu wareegayo kooxda Liverpool, isagoo noqonaya saxiixii ugu horreeyay ee kooxda xagaagan.
Saxafiga Fabrizio Romano ayaa xaqiijiyay in Jeremie Frimpong uu maanta u marayo tijaabada caafimaadka kooxda Liverpool.
Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in Frimpong uu kooxda Liverpool u xiran doono lambarka No.30.
Xiddigan reer Netherlands ayaa noqon doona beddelka tooska ah ee Trent Alexander-Arnold, oo la filayo inuu ka tago kooxda xagaagan.