Dhuusamareeb (Radio Daar-Dheer)-Ururka Gar-gaar ayaa Duqa Degmada Gaalkacyo, Mudane Cabdirahmaan Sheekh Xasan, guddonsiyay deeq buugaag ah oo loogu talagalay horumarinta waxbarashada iyo kor u qaadidda akhriska buugaagta ee degmada.
Buugaagtan oo tiro ahaan badan ayaa lagu wareejiyay maamulka degmada si loo gaarsiiyo xarumaha waxbarasho ee u baahan, loogana faa’iideeyo ardayda iyo akhristayaasha kale ee deegaanka.
Warkaan waxaa soo jeedinaya:Abdifitah Mohamed