Booliska Galmudug oo Digniin adag ka Soo Saaray Hubka Sharci-darrada ah ee Magaalooyinka Lagu Dhex Sito

0
72

Dhuusamareeb (Idaacadda Daar-Dheer)-Taliyaha qaybta booliiska gobolka Galgaduud, Maxamed Tooreeye, ayaa si diirran u soo dhaweeyey heshiis nabadeed oo ay ku gaareen beelaha walaalaha ah ee ku wada nool degmada Caabudwaaq iyo nawaaxigeeda.

Dhanka kale, Taliye Tooreeye ayaa amar cad ka soo saaray dadka hubka sharci darrada ah ku dhex wata magaalooyinka waaweyn ee gobolka, isaga oo xusay in aan la aqbali doonin in amniga dadweynaha lagu khalkhal geliyo. Wuxuu faray ciidanka booliiska in ay si adag ula tacaalaan cid kasta oo hub sharci darro ah lagu qabto, isla markaana la bilaabi doono howlgallo amni xaqiijin ah oo joogto ah.

Warkaan waxaa soo jeedinaya:Abdullahi Abdulkadir Nor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here